Wassaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Jubaland iyo Ururka Kubadda Cagta Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay munaasabad abaalmarin lagu guddoonsiinayay kooxda kubadda cagta ee FC, oo ku guuleysatay tartanka horyaalka heerka 2-aad ee Jubaland.
Xafladda koobka lagu guddoonsiiyay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland, wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda, xildhibaanada, iyo masuuliyiinta Ururka Kubadda Cagta Jubaland.
Kooxda Koban FC, oo caawa koobka la guddoonsiiyay, ayaa ka mid ahayd kooxaha heerka labaad ee Jubaland, Koobka finalka ahna, waxay iskugu yimaadeen kooxda Majaango