Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa oo wali wada Qalqal Gelinta Amniga dowladda jubbaland

67

Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa ayaa wali wada kala furfurida iyo qalqal galinta amniga deegaanada nabada ah ee Jubbaland ayadoo la ogyahay Cawaaqiib xumada uu kala kulmay Dhalinyaradii uu kusoo qalday Deegaanka Raaskambooni.

Dagmooyinka Gobolka Gedo ayay Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa mar kale isku dayayaan in ay ka abuuraan qalalaaso amni taas oo keeni karta in amnigu uu faraha kasii baxo madaama saraakiishii loogu talagalay in ay sugaan amniga loo adeegsanaayo dano siyaasadeed.

Odoyaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Gedo ayaa horay uga digay in aan la carqaladeynin Amniga ay heystaan Shacabka reer Gedo oo sabab ay u tahay Dowladda Jubaland.

Ciidamadii loogu talagalay in ay ilaaliyaan Nafta, maalka iyo Amniga Shacabka Soomaaliyeed ayaa Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa waxa ay u adeegsanayaan in ay ku dumiyaan nidaam dowli ah oo dhisan mana ahan wax uu dastuurka dalka qabo sida ay sheegeen sharciyqaano la hadlay Warbaahinta dowladda Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa horay u sheegay in Jubaland ay u taagan tahay ilaalinta Dastuurka Dalka iyo Kan Jubaland wixii intaas kasoo harana Jubaland ay iskaga filan tahay in ay iska difaacdo, ilaalisana Amniga Shacabka dagan deegaanada Jubaland.