Wajiga` Labaad ee Kulanka looga doodayay Daadajinta Nidaamyada Dowladaha Hoose iyo Golayaasha Deegaanka oo laga Daah-furay Gobolka Gedo

76

Kulanka wajiga labaad ee looga doodayay daadajinta nidaamyada dowladaha hoose iyo golayaasha deegaanka ayaa laga daah-furay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Kulankan oo ay iskugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo iskugu jiray odayaal, culimo, dhalinyaro, iyo haween, ayaa looga doodayay nidaamka dowladaha hoose iyo golayaasha deegaanka, kuwaas oo muhiim u ah bulshada ku nool degmada Baladxaawo.

Kulanka waxaa taaba-galineysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlad Jubaland, waxaana taageeray hay’addaha Hakab iyo FCA.

Kulankan oo ah mid uu muhiim kobcinta iyo ka qaybgalka bulshada ee arrimaha maamulka iyo siyaasadda degmada, ayaa la isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta odayaasha dhaqanka, hay’adaha dowladda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.