Dhageyso:Wasiirka wasaarada Haweenka iyo xuquuq iinsaanka dowlada Jubbaland marwo Cadar Cabdulaahi oo golaha wakiilada Jubbaland maanta ka hor akhrisey sharciga xuquuqda naafada .

89

Golaha wakiiladda Dowladda Jubbbland ayaa maanta yeeshay kullan ku saabsan uqareemida hindisa sharciyeedka xaquuqdda naafada .

Waxaa ka soo qeyb galay kulanka golaha wakiilada ee dowlada Jubbland shaqaalaha joogtada ee golaha wakiilada iyadoo kulanka goob joog aheyd Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Jubbland Marwo Cadar Cabdullahi Juuraati oo golaha ka hor aqrisay sharcigan.

Wasiirka wasaradda haweenka iyo xuququl insaanka jubbland oo u waramaysay golaha wakiilada ayaa faahfaahnin ka bixisay sharciga xuquuqda naafada oo ay wado wasarada haweenka iyo xuquuq iinsaanka Jubbland iyadoo maanta la marinayo aqrinta koobaad waxay sheegtay inay ku howlan yihiin meel marinta xuquuqda naafada iyo siday oga qayb gali lahaayeen hay,ada dowlada.