Kusimaha Wasiirka wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ahna Wasiir kuxigeenka Wasaarada mudane Cali Aadan Sonkor ayaa magaalada Jowhar kaga qayb galay shirka Wasaaradaha Beeraha Dawlad goboledyada iyo Dawlada Federaalka Somaaliya.
Shirkan oo looga hadlayay kor u qaadista tabaca Beeraha iyo laqabsiga cimilada ayaa lagu lafaguray qaabka beeraleyda Soomaaliyeed ula jaanqaadi lahayd qaab beerista Casriga ah ee hada dunidu isticmaasho iyadoo laga faa’iidaysanyo qalabka iyo Tiknoolajiyada Casriga ah.