Maxakamada ciidamada qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa Magaalada Gaalkacayo Saaka Aroornimadii Hore Dil toogasho ah ku fulisay 10 Dhagar qabe Oo ka tirsan khawarijta kuwaas oo horey dilal uga Geystay Gudaha Magaalada Gaalkacayo
magacyada raga qisaas lagu fuliyay ayaa kala ah:
-Xassan Jaamac Maxamed
-Liibaan Aadan muuse
-Barkhad Cawil Xirsi
-Xassan Muuse Axmed
-Cabdi Khaalaq warsame axmed
-Cade Cabdullaahi Maxamed
-Maxamed cabdi salaan axmed
-Cabdi raxmaan faysal salaad
-Cabdi Qani Farxaan Cabdullaahi
-Cabdi Salaan Sahal Shucayb
Sida uu warbaahinta ka hor sheegay taliyaha qaybta boliiska G.mudug ee puntaland G.sare Maamuud Cabdi Xakiim Aadan
Dhammaan ragan ayaa maxakamada ciidamada qalabka sida ee Maamulka puntland ku fulay qisaas iyaga oo kawada tirsanaa kooxda argagaxisada maxkamada ciidamada qalabka Sida puntaland ayaa sheegtay inay tiirka gayn doonaan qofkasta oo ka tirsan argagaxisada oo ay gacanta kusoo dhigaan .
Maamulka Puntland ayaa caan ku ah toogashada argagaxisada markasta oo ay gacan ku dhigaan mana ahan markii ugu horeysay oo tiro intaan la eg ay toogtaan ama tiirka geeyaan
Kooxda argagaxisada ayaa xiligan dagaalo xoogan kala kulmaya Ciidamada kala duwan ee dowlada Somaaliya iyo kuwa maamul gobaleed-yada dalka waxaana kusii badanaya caadaadiska .