DEG DEG: Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la wareegay Deegaannada Buurweyn iyo Show

177
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka degaanka ayaa Goordhaw Khawaarijta kala wareegay Deegaannada kala ah Buurweyn iyo Show oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah Saraakiisha iyo masuuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey qabashada labadaan deegaan ee hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.