Dadka ku dhaqan xaafada Farjano ee magaalada kismaayo oo bilaabay Olole nadafadeed.

189

Maamulka xaafada farjano ee magaalada kismaayo iyo qar kamida dadka xaafada ayaa si isxilqaan ah olale nadafadeed oga bilaabay xeebta kiboora gaar ahaan qoryooleey
Maadaama xashinka iyo wasaqda aysan uwanaagsaneen caafimaadka iyo bilicdaba.

Iyada oo wali ay socoto Ololaha nafadeed ayaa qaar kamid ah shacabka ka qayb galayay olalaha waxaa ay usheegeen Radio Kismaayo in dowladu ay ku garab siiso howsha ay wadaan sidookalana dhammaan dadkale ee xaafadaha kale iyaguna ay ka qayb qaataan qurxin magaalada .

Sidookale gudoomiye ku xigeenka xafada farjano Mahad Abdi Qalinle ayaa dhankiisa faahfahin ka bixiyaay isxilqanka nadafadeed ee ay maanta ka wadan xeebta kiboora gaar ahaan qoryoolay.

Nadaafada ayaa ka qayb qaadata qurxinta deegaanka ,dib usoo celinta bilicda iyo ka hortaga xanuunada