
Qoraal kasoo baxay Xafiska warfaafinta Madaxtooyada dowladda Jubaland ayaa u qoraan sidaan
UJEEDO: magacaabista Gudoomiye ku xigeenka maamulka Maaliyada gobolka Gedo iyo Gudoomiye ku xigeenada degmooyinka Beledxaawo iyo Buurdhuubo
Tix-raac: XM/DGJS/059/2024
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72ad, Fargada(5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland;
Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubaland;
Wuxuu Madaxweynaha Dowaladd Jubaland u magacaabay:
Xuseen Askar Maxamuud Gudoomiya kuxigeenka maamulka Maaliyada Gobalka Gedo.
- Xasan Maxamuud Cali Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo.
- C/Raxmaan Cabdulaahi Cali Gudoomiye ku xigeenka Amniga lyo Siyaasada Degmada Buurdhuube.
- Cabdicasiis Xareed Cabdulaahi Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo.
- Cabdifataax Nuur Mataan Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada BeledXaawo.
- Magacaabistan waxay dhaqangalaysaa marka uu Madaxweynahu sixiixo wuuna sixiixay.