Ururka Xisbullaahi oo Milateriga Yuhuuda ka gubay Taangi ay lahaayeen

517

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Kooxda Mukhaawamada Xisbullaahi Lubnaan ayey ku sheegeen inay maanta oo Axad ah burburiyeen Taangi ay Milliteriga Israel lahaayen oo noociisu ahaa Merkava Tank.

 

 

Qoraalka waxaa lagu xusay inay Gantaalada la hago ee Lidka Taangiyada (anti-tank guided missiles) la beegsadeen Taangiga oo ku sugnaa Xerada Milliteriga Israel ku leeyihiin Deegaanka La-haysto ee Al-Raheb.

Xisbullaahi waxay sheegtay inay si toos ah u duqeeyeen Taangiga, isla markaana ay waxyeelo soo gaartay Ciiddankii saarnaa Taangiga.

Dhanka kale, Ciiddanka Israel waxay xaqiijiyeen in Taangi laga gubay, waana Weerarkii Labaad oo ay Xisbullaahi sheegtaan mas’uuliyada weerar lagu qaado Askarta Israel ee ku sugan xuduudka Koonfurta dalka Lubnaan.

Mar sii horeysay,  waxay Dagaalamayaasha Xisbullaahi duqeeyeen Bar Kontorool oo ay Ciiddanka Israel ku leeyihiin Deegaanka Shtula oo u dhow xuduudka dalka Lubnaan.

Xisbullaahi waxay tilmaameen in Weeraradaasi jawaab u yihiin weerar ay Israel Jimcihii la soo dhaafay ku dileen Weriye  Casaam Abdullahi oo u dhashay Lubnaan, una shaqeyn jirey Wakaallada Wararka REUTERS.