Howlgal Lagu Bur Buriyay Fariisimo Khawaarijta Gambaad u ahaa oo Laga Sameeyay Gobolka Jubbada hoose

397

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 5-aad, guutada 16-aad ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab oo garab ka helaya ciidanka Daraawiisha Jubbaland ayaa howlgal lagu baacsanaayo haraadiga Khawaarijta Al-shabaab ka sameeyay dhulka howdka ah iyo deegaannada kala ah Aboodin, Buur-bannaan  iyo deeganno kale oo dhammaatood ka mid ah gobolka Jubbada hoose.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa bur-burinta fariisinka argagixisada ee dhulka howdka ah maaddaama argagixisadu gambaad ka dhiganeyso.

Sidoo kale, ciidamadu waxay baaritaano amni xaqiijin ah ka sameeyeen waddooyinka waa weyn ee mara qeyb ka mid ah gobolka Jubbada hoose, sida uu warbaahinta  u sheegay taliye gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo hoggaaminayay howlgalka.

Dhinaca kale, howlgalka dhinac cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa Khawaarijta oo kala ah deegaanka Harboole gaar ahaan goob ay ku shirayeen Kooxda Khawaarijta ah Al-shabaab.

Sidoo.kale, degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ayaa lagu duqeeyay goob ay ku shirayeen, waxaana dhammaan howlgaladaas dhanka cirka ah maleeshiyada argagixisada lagu gaarsiiyay Khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed, waxaa kala firxday Khawaarijtii halkaas shacabka ku dhibaateyn jirtay oo qaarkood meydkooda goobta looga cararay.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa hadda wajaheysa howlgalka looga jawaabayo gumaadkii iyo handadaaddii ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed muddadii 15ka sanno ahayd ee ay xoogga ku haysteen.