Dhageyso:Maxaa faah faahina oo kasoo kordhay howlgalkii lagu qabtay Xagar

698

Taliyaha Ciidanka Dawiishta ee degmada Afmadow Mahad Islaam oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgalka ay Ciidanka kula wareegeen degmada Xagar ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay.

waxaa uu taliyaha sheegay inaysan dhicin wax iska hor imaad ah sidookalana ay isaga carareen degmada khawaarijta kadib markii ay ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo xooga dalka ay soo galeen gudaha degmada .

Taliyaha ayaa sheegay inay ciidanku imika wadaan howlgal lagu sifeenayo magaalada amnigeeda gaar ahaan dadka iyo miinooyinka oo ay tabar ka raadiyaan dhagar qabayaasha waxaa uu taliye Mahad Islaam sheegay in howlgal xalay dhacay gaar haan deegaanka welmarow lagu dilay in kabada 50 dhagarqabayaasha Al shabaab ah sidookalana looga qabsadey hub iyo gaadiid ay ku wateen saadka iyo hubka .

Howlgalkan ayaa socon doona inta laga xoreynayo  dhammaan deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland.