Shiinaha oo daneenaya xiriir ganacsi oo uu la yeesho Somaaliya

540
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta kulan la qaatay safiirka wadanka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mr. Fei Shengchao oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada Dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.
Labada dhinac, waxa ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen muhiimadda iskaashi Ganacsi oo dhex mara labada dal, dhiirigelinta Maalgashiga gaar ahaan isku xirka ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Shiinaha si ay u abuuraan fursado ganacsi oo labada dhinac ah iyo weli ba sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.
Wasiir Jibriil, waxa uu Safiirka la wadaagay dadaalada ay ka dawlad ahaan sameeyeen ee khuseeya horumarinta iyo fududeynta ganacsiga wadanka, isla markaana ay maanta Soomaaliya u diyaarsan tahay inay wadanka ku soo dhaweeyaan Maalgashadayaal Caalami ah si kor looggu qaado wax soo saarka wadanka si ay Soomaaliya dheelitiro ganacsi u la yeelato wadamada caalamka.