Maxaa Looga Hadlayaa Kullanka Kismaayo Ugu Furmay Wasiirada Wasaaraddaha Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Heer federaal Iyo Heer Dowlad Goboleed

526

Shirka wadatashiga wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Soomaaliya& Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Ayaa maanta Ka Furmay Magaalada Kismaayo.

Shirkan Ayaa Socon Doono Muddo Saddex Cisho Ah Kaas Oo Loogu Hadli Doono Wadashaqeynta Wasaaradaha Iyo Adkaynta Xiriirka Udhaxeeya Dhinacyada, Sidoo Kale Muddada Uu Socda Kullanka Waxaa Ay Masuuliyiinta Iska Xog Wareysan Doonaan Waxyaabaha Ka Hirgalay Kullamadii Hore Iyo Fullinta Qorshayaal Horre Oo Ay Wasaaraddaha Isla Meel Dhigeen.

Wasaaradda Cadaaladda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Oo Markii Ugu Horaysay Kullankaan Noocaan Oo Kale Ee ay Heer federaal Iyo Heer Dowlad Goboleed Isugu Yimaadeen ayaa Shirka Kusoo Bandhigi Doonto Ajandayaal Dhawr Oo Lagu Kaabbi Doono Heshiisyo Ay Horay Uwada Gaareen Wasaaraddaha.