Wasiirka Arrimaha dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee UK

443

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub  ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Saacadaha soo socda ayaa la filaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga ka guddooma Danjiraha cusub ee dowladda UK kaas oo badala Kate Foster.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Arrimaha dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska UK ayaa lagu sheegay in Michael Nithavrianakis loo magacaabay safiirka cusub ee dalkaas u fadhin doona Soomaaliya.

Danjire Michael Nithavrianakis ayaa ah diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibedda, oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maal-gashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 illaa 2023, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadah UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana.

Safaaradda UK ayaa Magaalada Muqdisho laga furay sanadkii 2013-ka, iyada oo Soomaaliya kala dhaxeysa xiriir iskaashi oo ku dhisan, dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka.