Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba Rag ah oo ku eedeysan inay kufsi ugu geysteen magaalada Muqdisho Gabar Soomaaliyeed.
War kasoo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Booliiska Saldhigga Degmada Hiliwaa ay gacanta ku soo dhigeen laba rag ah oo ku eedeysan in ay kufsi ugeesteen gabar Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu kala magacaabo.
1 Axmed Macalin Cabdi 22 Jir ah
2 Cali Axmed Nuur 33 jir .
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in raggaas la horgeyn doono Cadaalada, isla markaana Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu u taaganyahay Ilaalinta Nabadgalayada Guud.