MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO MAGCAABAY XUBNAHA GUDDIGA GURMADKA FATAHAADDA KU DHUFATAY DEGMADA BAARDHEERE.

562
Tix-raac: XM/DGJS/024/2023 kuna saabsan magacaabid Guddiga gurmadka fatahaadda Degmada Baardheere.
Kadib Fatahaaddii ka dhacay Degmada Baardheere ee galaafatay naf iyo maal, isla markana u baahan gurmad deg deg ah oo lala gaaro dadka musiibadan ay saamaysay ayaa Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu halkan ku magacaabayaa Xubnaha Guddiga Gurmadka Fatahaadda Degmada Baardheere oo ka kooban;
1. Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka.
2. Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.
3. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga.
4. Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka.
5. Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.