Madaxweynaha dalka Ciraaq, Abdul-Latif Rashid, ayaa aqbalay casuumaad uga timid Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyadda dalka Ciraaq, farriinta casuumaada ayaa Madaxweyne Abdul-Latif Rashid waxaa gaarsiiyay Liibaan Sheekh Maxamuud oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq.
Danjire Liibaan ayaa sidoo kale farriin isugu jirta salaam iyo mahadcelin uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay dhigiisa dalka Ciraaq.
Farriinta la gaarsiiyay Madaxweynaha Ciraaq waxaa lagu muujiyay in Soomaaliya ay rajeyneyso in Dowladda Ciraaq ay dib u furato Safaaradeeda Magaalada Muqdisho.
Kulanka Danjire Libaan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Abdul-Latif Rashid waxaa looga hadlay hadlay xoojinta xiriirka labada dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyadda dalka Ciraaq.