Guddmomiye Aadan Madoobe Oo Sheegay In Aan Lahorkeeni kirinXeer Khilaafsan Diinta Islaamka Baarlamaanka”

509

Waxaa goor dhow furmay kulanka wadajirka ah ee labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo manta looga hadlayo ajandayaal dhowr ah, waxaana ka qayb galaya Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare.

Kulanka maanta oo dhawaan baaqday kadib weerarkii Villa Rose ayaa waxaa uu qabsoomay maanta oo Taariikhdu tahay 30 Bisha.

Kulanka waxaa maanta si gaar ah diiradda loogu saarayaa Qaybinta iyo Akhrinta 1aad ee Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2023-ka.

Guddmomiyaha Golaha SHacabka Aadan madoobe oo ka hadlayay kulanka maanta ayaa sheegay inaa la Baarlamaanka la kor keeni karin Xeerarka kasoo hor jeeda diinta islaamka.

“Xeer khilaafsan Diinta Islaamka lama horkeeni karo baarlamaanka” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe.