Gaadiid dagaal iyo Ciidamo oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday

626

Waxaa Maanta degaanka Yasooman ee gobolka hiiraan gaaray gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo ka yimid dhinaca degmada guriceel ee gobolka Galgaduud si ay u caawiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa xoreynta gobolka Hiiraan ee halkaas ku sugan.

 

Shalay degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab, kadib markii weerar qaraxyo ku bilaawday ay degaankaas ku qaadeen Ururka Al-Shabaab.

 

 

Ciidamada Maanta tegay degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Xildhibaano katirsan golaha Shacabka, Guddoomiyaha gobolka hiiraan & Saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugan degaankas.

 

Waa gurmadkii ugu horreeyay ee Gobolka Galgaduud uga yimaada Gobolka hiiraan marka laga reebo Ciidamada qeybta 21aad o mararka qaar ka qeyb geli jiray dagaalada ka socda Gobolka hiiraan, waxaana ay Ciidamadaan si toos ah ugu biiraan howlgallada ka dhanka ah urur aAl-Shabaab.

 

Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer qeylo dhaan muujiyay, iyaga oo sheegay in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, taas oo keentay in mid kamid ah Beelaha dega gobolka Galgaduud ay gurmad u soo diraan.