Dowladda Kuwait oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Magaalada jowhar

546

Wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa cambaareysay qaraxii gaari ee shalay lagu weeraray hotel ku yaalla magaalada Jowhar oo ay inta badan tagaan mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu waxa ay ku nuuxnuuxsatay mowqifka Kuwait ee kadhanka ah rabshadaha iyo waxa loogu yeero argagixisada.

Waxay sidoo kale ku celisay baaqeeda beesha caalamka inay xoojiyaan dadaallada wax looga qabanayo dhacdooyinka qatarta ah iyo weerarada ka imaanaya Ururka Al-Shabaab.

Kuwait oo hadalkeeda sii wadata ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay wehliyaan qoysaskii dadkii ku dhintay qaraxaasi, waxayna u rajeysay kuwii ku dhaawacmay inay si degdeg ah u bogsadaan.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay, 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa kadib markii gaariga qarxay lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelka caanka ah ee lagu magacaabo Nuur-doob, oo ku dheggan madaxtooyada.

Wasiirka Haweenka Hirshabeelle Caasho Khaliif Xaaji, Wasiirka Caafimaadka Cabdi Macallin iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxaana mas’uliyadiisa sheegtay Al-Shabaab.