Beeralayada Ku nool waqooyiga Kismaayo oo laga taageeraayo dhinaca nolasha

650

Ku dhawaad 2500 qoys oo isugu jira barakacayaal iyo dadka beeralayada ah ee ku Nool deegaanka Goobweyn ayaa waxaa lagu taageeray deeq lacageed oo gaadhaysa $95 dollar bil kasta,taas oo soconaysa mudo laba bilood ah sida uu sheegay Gudoomiyaha deegaanka Goobweyn Cumar Cabdullaahi.
Deeq daan ayaa loogu talla-galay in dhinaca nolasha laga kaabo dadka beeralayada ah oo wajahaya caqabado kala duwan oo ay ugu horayso in Webiga biyihiisa ay noqdeen dhanaan bilihii la soo dhaafay,taas oo keentay in uu hoos u dhacay wax soo saarka beeraha oo ay ku tiirsanaayeen halka qoysas barakacayaasha ahna ay horay ugu tiirsanayeen gargaar hay’adaha samafalka iyo shaqooyin yar yar oo ay ka hellaan deegaanka.
Gudoomiyaha Deegaanka Goobwayn Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa ka warbixiyey dhaqaalaha la siinnayo qoysaska barakacayaasha iyo Beeralayada Goobweyn.

Hay’adda ICRC oo ka mida hay’adaha ka shaqeeya dhinaca samafalka ayaa gacan ka gaysatay taageerada dhaqaale ee qoysaskaan ku nool waqooyiga magaalada Kismayo.