Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Gaaray Magaalada Jowhar

1049

Xubno ka mid ah Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, iyagoona lagu soo dhaweeyay Magaaladaas wafdiga Guddiga.

Ujeedka wafdiga ka socday Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa uu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen habsami u socodka diiwaan-galinta iyo tababarka ergada ee ka socda Magaalada Jowhar.

Sidoo kale wafdiga ayaa goobjoog ka noqon doona doorashada kuraasta ugu horreeysa ee doorashada Golaha Shacabka oo maalinta berri lagu wado inay ka dhacdo Jowhar, waxaana socda diyaar garoowii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashadaas dhaceysa.

Xubnaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyagoona kala hadli doona dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka oo berrito ka bilaabaneysa Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayaa kaliya ah maamulka aan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana horey u bilaabay doorashada afarta dowlad Goboleed kale, iyadoona la doortay 74 Xildhibaan