Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Jubbaland Mudane Cabdullahi Dhubad -Shiil ayaa kulan Soo Dhawayn iyo Xog-wareysi ah la qaatay saaka Mas’uuliyiin Enjineero ah oo ka socotay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Kulankaan Wasiirka waxaa ku weheliyey Maareeyaha Guud ee Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle.
Enjineeradan ayaa sameeyn doona kormeer shaqo iyo indha indheyn guud si ay u arkaan, una qiimeeyaan Adeegyada kala duwan ee Garoonka iyo sidii loo horumarin lahaa.