Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Waxaana ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Midowga musharixiinta, oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka ayaa kusoo aaday kadib markii shalay muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo lagu soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Dalka.