Jarmalka oo ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo Afgaanistan

1037

:Dowladda Jarmarka ayaa sheegatay inay kala baxayso ciidmadeeda u joogay dalka Afgaanistan nabad ilaalinta muddo ku dhaw 20 sano.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Jarmarka ayaa lagu yiri “ waxaa Afgaanistan kasoo baxay qeybtii u danbeysay ciidmaddii Jarmarlka ee ka qeyb qaadanaayay nabad ilaalinta.”

Ciidmada Jarmarka ee nabad ilaalinta u joogay dalka Afghanistan ayaa gaarayay 1,100 asgari, waana waddanka labaad ee ciidamada ugu badan geeyay Afgaanistan.

Inta la og yahay 59 askari ayaa Jarmalka uga dhimatay gudaha Afgaanistan muddadii ay u joogeen nabad ilaalinta.

Afgaanistan ayaa noqotay dalkii ugu horreyay ee ciidanka Jarmalka ku galaan dagaal dhulka ah kadib dagaalkii adduunka ee labaad.

Bartamihii April, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhaawaaqay in ciidmada Afgaanistan ka jooga laga soo saari doono bisha September.