Madaxweyne Erdogan oo shaaciyey in Sacuudigu codsaday in laga iibino drones-ka Turkiga

839

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdoğan ayaa shaaciyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka codsatay in dalkiisa uu ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee aanu duuliyaha saarneyn (Drones).

Erdoğan ayaa warkan sheegay xilli uu ka falcelinayay dhoolatus milateri oo ka dhacay caasimadda Athens, kaasoo ay ka qeybgaleen ciidamada Giriigga, Faransiiska, Masar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn.

“Wa arin lala yaabo in [Sacuudiga] uu ka qeybgalayo dhoolatuskaas ciidan ee Giriigga, halka dhanka kale ay naga codsanayaan inaan ka iibino drones-keena. Waxaan rajeyneynaa in aan arintaas si degan ku xallino,” ayuu yiri Erdoğan

Turkiga ayaa u arka dhoolatuska ciidan ee ay dalalka ka sameeyeen Giriigga mid looga soo horjeedo Ankara, oo uu khilaaf kala dhexeeyo xukuumadda Athens.

Xiriir Ankara iyo Riyadh ayaa gaaray meel xun kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi sanadkii 2018 loogu geystay gudaha qunsuliyada uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul.

Ankara ayaa Sacuudiga cadaadis ku saartay dilkaas, waxaana markii dambe hoos u dhacay xiriirka ganacsi ee labada dal kadib markii aan si rasmi ahayn ay magaalooyinka Boqortooyada u dhimeen iibsiga alaabta lagu sameeyo Turkiga.

Labada dal ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u wanaajin lahaayeen xiriirka ka dhexeey