MADAXWEYNEAHA WAQTIGIISII XILHAYNTA DHAMAADAY EE FARMAAJO OO SHIR ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLADDA FEDERAALKA, DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO G/ BANAADIR

903

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee muddada xilhayntiisu dhamaatay Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir deg-deg ah isugu yeeray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Gudoomiyaha gobolka  Banaadir

 

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa u qoraalka sidan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.