Madaxwaynaha Jubbaland oo maanta la kulmaya Gudoonka Aqalka Sarre.

981

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu la kulmo Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada.
Kulanka ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu khudbad dheer ka jeediyo sidoo kale Senatorada Aqalka Sare ay su’aalo dhowr ah ku weeydiiyaan.

Axmed Maxamed Islaam ayaa tan iyo markii uu yimid Muqdisho Talaadadii dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho,waxaana dhowr jeer oo hore fashilmay kulamo ay wadan qaadan lahaayeen madaxwynaha Qaranka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u yimid in Madaxweyne farmaajo uu kala hadlo tabashada Jubbaland ka qabto dowlada Federaalka Somaliya iyo sidii Jubbaland go’aan rasmiya ugu yeelan lahayd doorashada soo socota 2020/2021.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan la kulmay Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada, iyada o sidoo kale uu weli Muqdisho ka wado kulamo siyaasadeed.