Dhageyso: Barnaamijka Nabada iyo Dhalinyarada Oo Looga Hadlaayo Kaalinta Dhalinyarada ay ku leeyihiin ka wacyi galinta bulshada Qabyaalada iyo Faquuqa.

1549

Barnaamijkaan Nabada iyo Dhalinyarada Oo Ah Mid Todobaadlle ah ayaa Galabta Waxaa Looga Hadlayay Kaalinta Dhalinyarada ay Ka Qaadan karaan ama ku leeyihiin Ka Wacyi galinta Bulshada Qablaayada iyo Faquuqa.

Barnaamijka Waxaa Marti ku ahaa Maxamed ibraahim Dhayib Oo ah Shaqsi Dhalinyaro ah

”’Horta Doorka ay Dhalinyaradu Ku Leyihiin Waa Dhalinyarada Wax Walbo ayaga ayaa u Horseeda Bulshada Dhalinyardu Waa Ubaxa Dalka Waxa ay Horseed uyihiin wax walbo hormar ah Dhalinyada Soomaaliyeed Waxa ay Wax Walbo ogu Hagaagayaan in ay dhan ooga soo wada jeestaan Qabyaalada””’ Ayuu Yiri Maxamed Ibraahim Dhayib.

Mar Uu Ka Hadlayay Qabyaalada Waxa Uu Yiri

”’Horta Run ahaantii Qabyaaladu Waxa ay saldhigatay kuna xidideysatay Bulshada Soomaaliyeed Sidaa ay tahay Hadana Ma ahan Wax ku Cusub Soomaalida Qabyaalada Waa Wax Ku Xidideystay Waana Wax ay Soo Jireen ay uleedahay bulshada Soomaaliyeed Waaxana Sabab u ah Nidaamkaan La leeyhaay 4.5-ka Oo Ah Qabyaalada Salkeeda ah”’

Maxamed ibraahim Dhayib Waxa Uu Sheegay Sida ugu Fudud Ee Qabyaalada Looga Hortagi Karo ama Lagu Ciribtiri Karo in ay tahay kaliya in meesha laga Saaro Nidaamka Awood  Qeybsiga Dalka Ee 4.5.

Maxamed Cali Oo Ka Mid ah Dhagestaasha Kasoo Qeyb Qaatay Barnaamijka Ayaa Yiri

”’ Marka Hore Waa in La Sameeyaa Wacyi galin ku aadan qabyaalada iyo Faquuqa lkn Nasiib Daro Qabyaalada Waxa ay ka Bilaabataa Guriga oo Hooyada iyo Aabaha Ku Dhex jira Caruurta ayaa Ku Sheekeysanaya Qabyaalada Sida Looga Hortagi Karo Waa in Marka Hore Wacyigalinta Laga Bilaaba Guriga Dhalinta Ma Yaqaanaan Qabyaalad iyo Faquuq lkn Way Maqlayaan ayadoo lagu shekeysanaayo Wacyi galintaasna waa in la gaarsiiyaa dagmo ilaa tuulo””

Halkan Hoose Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran: