Wadooyinka ugu muhiimsan magaalada kismayo oo manta laga bilaabay in laga nadiifiyo biyihii roobka ee fadhiistay

1516
Waxaa qayba ka mid ah wadada halbowlaha u ah magaalada Kismaayo fariistay Biyo ka dhashay Roobabkii 48 – Saac ee la soo dhaafay ka da,ay magaalada iyo nawaaxigeeda.

Dowladda Hoose Kismaayo ayaa saaka bilowday in ay goobaha biyo fariisad ka ah ka nadiifiso biyaha si uu u fududaado isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Waxaa la arkayay gaadiidka qaada booyadaha oo bartamaha magaalada iyo suuqyada ka qaadaya biyaha fariistay,waxa ayna dowladda Hoose ku dadaalaysaa mar walba ilaalinta bilicda iyo quruxda magaalada.

Gudoomiyaha maamulka degmada Kismayo ee dhanka Maaliyadda Rashiid Cabdi Mudulow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay goobaha biyo fariisadka ah ku samayn doonaan caro buuxin iyo dayac tir si mar kale aysan u fariisan maadama ay haatan yihiin godad ka hooseeya wada inteeda kale