Boqolaal  dhalinyaro oo u fariistey Imtixaanka ka mid noqoshada shaqaalaha Jubbaland

1324

Gudiga shaqaalaha rayidka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta bilaabey qaadista imtixaano laga qaaday boqol qof oo soo codsaday kamid noqoshada hay’adaha dowladda.

Boqolkaan qof ayaa laga doonayaa in ay kasoo baxaan Sodon iyo Seddex Qof oo si rasmi ah oga mid noqon doona shaqaalaha rayidka dowlad goboleedka Jubbaland.

Boosaska loo tartamayo ayaa waxaa kamid ah Agaasime waaxeedyo,madax qaybeed iyo shaqaale caadi ah.

Gudoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka Jubbaland Siyaad Cabdullaahi oo JubbalandTV la hadlay ayaa sheegay in guddiga xoogga saari doono sidii loo heli laha shaqaale tayo leh oo kasoo bixi kara waajibadka shaqo