Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha degaanka ee Degmooyinka Dalka ay muhiim u yihiin Dowladnimada ayna ka wada shaqeynayaan hey’adda ay quseyso.
Mudane; Sabriye, oo soo xirayay shir Saddexdii Cisho ee lasoo dhaafay ugu soconayay Magaaladan Muqdisho wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo dib u heshisiinta Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo daneeyayaasha dhismaha Golayaasha degaannka ayaa lagu Lafa guray sidii howlahaasi loo dar-dar gelin lahaa, iyadoo la marayo heerarkooda kala duwan
Shirkan oo ah kii 12aad ee noociisa ah ee ay qabato madasha Wadajir, ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka socay hey’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed iyo hey’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Caalamka ee IOM.