Tababar loo furay qaar kamid ah howlwadeennada Radio Kismaayo, codka Jubbaland

1498

Tababarkan oo ku saabsanaa dhanka farsamada ayaa waxaa loo furay qaar kamid ah howlwadeennada Idaacadda, gaar ahaan qeybta qaabilsan farsamada, ayadoo tababarka ay iska kaashanayeen wasaaradda warfaafinta Jubbaland iyo hay’adda M2A Media ee ka shaqeysa arimaha wacyigelinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta.

Agaasimahada Radio Kismaayo Codka Jubbaland Mudane Xasan Nuur Max’ed ayaa daahfuray tababarka, isagoo kula dardaarmay shaqaalihii ka qeybgalay tababarka in ay ka faa’iideystaan casharrada la siin doono.

Tababarkan ayaa ku saabsan ku shaqeynta qalab casri ah oo dhawaan la keenay xarunta dhexe ee Idaacadda, waxaana uu kusoo beegmay xilli shaqo ballaarin ah ay ku socoto idaacadda Radio Kismaayo, Codka Jubbaland.