Xildhibaanada Gollaha Shacabka Somalia Oo Maanta Kulan Muhiim Ah Ku Yeelanaya Magalada...

Xildhibaanada Gollaha Shacabka Somalia Oo Maanta Kulan Muhiim Ah Ku Yeelanaya Magalada Muuqdisho

130
0
SHARE

Waxaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka.

Sida uu qorshaha yahay ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka Gollaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.

LEAVE A REPLY