Wasaarada Qorsheynta Jubbaland oo qabatay kulan wadatashi oo ku saabsan Isku Xirka iyo Maareynta Deeqaha ee Jubaland

0
4
Wasaarada Qorsheynta Jubbaland ayaa qabatay kulan wadatashi oo ku saabsan Isku Xirka iyo Maareynta Deeqaha ee Jubaland
Kulanka waxaa furay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna Kusimaha Wasiirka, iyadoo ay ka soo qayb galeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda Jubaland iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Kulankan oo ahaa mid wax-ku-ool ah ayaa fursad muhiim ah u ahaa ka-qaybgalayaasha in ay ka doodaan, aragtiyo iyo talooyin ka bixiyaan sidii loo xoojin lahaa isku-xirka, hufnaanta iyo maareynta deeqaha, loona waafajin lahaa taageerada horumarineed mudnaanta iyo qorshayaasha Dowladda Jubaland.