Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Kismaayo ka furay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan badqabka rayidka.

0
2
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, oo kaashanaya Hay’adaha CIVIC iyo IOM, ayaa  magaalada Kismaayo ka furay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan dhaqan-gelinta siyaasadda qaranka ee ilaalinta badqabka rayidka xilliyada hawlgallada amni iyo colaadaha hubaysan.
furitaanka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, xubno ka socday wasaaradaha Jubbaland, ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Jubbada Hoose, Guddoomiyaha Haweenka Degmada Kismaayo, ururka BaaG, xubno ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga, ururrada bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.