G.Maxkamadda Sare ee Jubbaland oo ka qayb galay munaasabadda xil wareejinta Agaasimaha Garsoorka

28

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Garsoorka Jubbaland, Mudane Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid, ayaa maanta shir guddoomiyay munaasabad lagu qabtay Xarunta dhexe ee Garsoorka Jubbaland, taas oo xilka Agaasimaha Guud ee Garsoorka Jubbaland loogu wareejiyay Xareed Kales Cabdi.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland, Axmed Maxamed Abuukar (Axmed Ugaas), iyo xubno ka tirsan bahda garsoorka Jubbaland.

Xareed Kales Cabdi, oo ah Agaasimaha cusub ee Garsoorka Jubbaland, ayaa hadal ka jeediyay madasha, isagoo ballan qaaday inuu shaqada garsoorka si hufan u sii wadi doono, kana shaqeyn doono horumarinta hay’adaha garsoorka Jubbaland.

 

Axmed Maxamed Abuukar, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland, ayaa dhankiisa kula dardaarmay Agaasimaha cusub inuu shaqadiisa u guto si xilkasnimo leh, isla markaana uu ka shaqeeyo cadaaladda iyo sinaanta.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland, Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid, ayaa ku booriyay Agaasimaha cusub inuu si buuxda u gudasho waajibaadka ka saaran Xafiiska Garsoorka Jubbaland.