Xildhibaan Cabdiqadir Jeylaani, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), ayaa soo gaaray degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ah deegaan doorashadiisa.
Xildhibaanka waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha degmada Baladxaawo, Mudane Cabdicasisi Xareed Abdulahi, iyo Guddoomiyaha ku xigeenka labaad ee degmada, Cali Shire.
Xildhibaan Jeylaani, ayaa ugu mahadceliyay bulshada Baladxaawo iyo mas’uuliyiinta degmada sida diirran ee loogu soo dhaweeyay, wuxuuna ballanqaaday in uu sii wadi doono ka qeybqaadashada horumarinta iyo xalinta dhibaatooyinka ka jira gobolka Gedo, gaar ahaan arrimaha amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqadir Jeylaani ayaa cambaareeyay khalkhalka ay dowladda Federaalka ka wado degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.