Wasiirka wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Dowlada Jubbaland Mudane CabdiWali Xuseen Jaamac ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo xiray tababar ku saabsan wadahadalka aan xanafta lahayn, oo loo qabtay Qaar ka mid ururada bulshada rayidka ah ee Dowlada Jubbaland iyo bahda Cadaaladda ee Jubbaland.
Tababarkan oo socday muddo saddex cisho ah, ayaa waxaa ka faa’iideystay qaybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah ee Jubbaland iyo xubno ka socday bahda Cadaalada Jubbaland iyada oo u jeedka tababarka uu ahaa in la baro xirfadaha wadahadalka nabdoon si loo xoojiyo Habka ay ugu adeegaan bulshada.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Dowlada Jubaland CabdiWali Xuseen jaamac oo tababarka soo xiray ayaa Kula dar daarmay dadka ka faaideeystay tababarka in casharada ay qaateen ay dib ugula noqdaan goobihii ay kasoo taageen Ayna bulshada gaarsiiyaan waxay barteen.