Maxaa looga hadlay kullankii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jubbaland iyo Arrimaha Gudaha Dib u heshisiinta, Arimaha Federaalka iyo Xiriirka DXDF ee Aqalka Sare

103

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jubbaland oo ay waheliyaan qaar ka mid ah golaha Wakiillada ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay guddiga Arrimaha Gudaha Dib u heshisiinta, Arimaha Federaalka iyo Xiriirka DXDF ee Aqalka Sare oo safar shaqo ku jooga magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dardar gelinta arrimaha sharci dejinta, xoojinta xiriirka shaqo, horumarinta arrimaah doorka matalaadda, tababarrada iyo iskaashi ku salaysan qorshe wadaag iyo ka warqab googta ah, lana sameeyo xafiis Aqalka Sare uu ku yeesho magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Sanatar Deeqa Xasan Xuseen Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Aqalka Sare oo hoggaaminaysa xubnaha guddiga, ayaa adkaysay muhiimadda waajib gudashada doorka matalaadda Aqalka Sare iyo xoojinta wadashaqaynta, waxayna sheegtay in golaha wakiilada Jubbaland ay ku garabsiinayaan shaqadooda, si loo gaaro guulo badan oo miro-dhal ah.