
Gudoomiyaha degmada Doolow Maxamed Xusen oo ay wehliyaan Maamulka iyo Hay’addaha gargaarka ayaa kulan xogwareysi ah la yeeshay Odayaasha, wax-garadka iyo Maamulka xeradda Barakacayaasha Qurdubey.
Kulankan ayaa looga hadlay dardargalinta amniga xerada Qurdubey, kaalinta ay Maamulka ku leeyihiin nabadeynta iyo u dib u heshiisiinta bulshada deegaanka xerada barakaca.




