Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay xuska maalinka Dhalinyarada Aduunka oo sanad walba maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.
Munaasabadda waxaa kaso qeyb galay xubno kasocday Wasiirada Dowladda, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada, Agaasimayaal, maaamulka degmada Kismaayo, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii ay munaasabadda socotay waxaa looga hadlay muhiimadda ay bulsho waliba u leeyihiin dhalinyarada iyo doorka Dhalinyarada ee ka qeyb qaadashada arimaha nabadgalyada.