Wasaaradda Qorsheynta, Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka daah-furtay kulan wadatashi kaas oo u dhaxeeya qaar ka mid ah Wasaaradaha

201
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamigga ee Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furtay kulan wadatashi ah oo socon doona mudo labo cisho ah kaas oo u dhaxeeya qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha kaladuwan ee Dowlada Jubbaland, islamarkaana looga arinsanayo dajinta howl-mashruuceedka barnaamijka xalka Waraa ee dib u dajinta barakacyaasha iyo dadka dib ugu soo guryo noqday Dalka.
Shirka oo uu guddomiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Ayaanle Xuseen Maxamad ayaa waxaa goob joog ahaa guddomiye kuxigeenka Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacyaasha Jubbaland, Agaasimayaasha Wasaaradaha Maaliyadda, Howlaha guud, Shaqada iyo Shaqaalaha, Dekadaha iyo Gadiidka Badda Jubbaland iyo masuliyiin kale.