La taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka oo sheegey in Itoobiya lagaga adkaanay Diblomaasiyada

259

La taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay guulaha dowladda gaartay muddada labada sano ah ee uu xukunka Hayo Madaxweyne Xasan sheekh, Mudane Xuseen waxa uu sheegay in hormar badan laga gaaray dhinacyada Amniga iyo Arrimaha dibada Gudaha iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Waxa uu sheegay in damaca gurracan ee itoobiya dowlada ay kaga hortagtay si Diblomasiyaad ku jirto,waxa uu tilmaamay in dalalka mudda dheer soo shaqeynayay ay soomaaliya kaga hormarsan tahay xaga Diblomaasiyadda islamarkaan dhammaan wadamada caalamka ay si cad uga hor yimadeen gardarada qaawan ee Itoobiya

“Soomaaliyada 1977-kii iyo mida 2024-ka, farqiga u dhaxeeya waa Diblomaasiyadda aan heerka sare ka gaarnay, waana aragteen waxa aan Itoobiya ku dhignay, inagoo aan adeegsan awood.”

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowaldda oo ka duuleeyso halku dhigii madaxweynaha Ee ahaa ‘Somaali Heshiis ah dunidana hishiis la ah’ay dowalda ku guuleysatay wanaajinta iyo la macaamilka wadamada caalamka si ku dhisan wax is dhaafsi,tana ay keentay soomaaliya wax badan oo horumar ah ay u qabsoomaan.

Wax uu intaa ku daray hadalkiisa in soomaaliya ay hadda isku diyaarineyso in u tartanto xubin kamid ah Golaha Amaanka Qaramada Midooba taas oo muujineyso horumarada muuqda ee ay gaartay dowladda Soomaaliya

15-bishaan ayay dowladda u buuxsantay laba sano,waxana la qabtay arima dhowr ah oo ay kamid tahay Deyn Cafinta,Cunaqabteyntii hubka iyo Ku biirista ururka iskaashiga Dhaqaalah Bariga Afrika iyo in degaano badan oo ka tirsan dalka laga xoreeyo khawaarita oo mudda dheer dhibaatada ku hayay shacabka Soomaaliyeed.