Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Cabdi Axmed ayaa maanta furay Shirka Madasha Furdooyinka iyo Ganacsatada Dowladda Jubaland.
Shirka oo muhiimad gaar ah ulahaa Ganacsatada ayaa waxaa diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo iskaashi dhab ah oo dhex mara Wasaaradda Maaliyada iyo qeybaha kala duwan ee Ganacsatada Jubbaland.
Intii uu shirka socday ayaa la isdhaafsaday afkaar ka turjumayso muhiimadda furdooyinka iyo dardargalinta howlaha hortabinta uleh isku xirka guud ahaan Ganacsatada iyo Wasaaradaha Maaliyadda.