
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay u geystay falal dil ah oo ka dhacay Galmnudug.
Dilkaan oo ahaa mid qisaas ah waxaa fuliyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida,gaar ahaan qeybta Dowlad Goboleedka ee Galmudug .
Dilkaan qisaasta ah ayaa lagu fuliyay dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle iyo Iidle Cumar Idiris oo ka tirsanaa Guutada 18-aad ee Gorgor,kuwaas oo dilal u geystay Allaha u naxariistee Cadnaan Cali Salaad iyo Bilan Xaashi Salaad.