Senator Cabdihakiim Macalin Axmed oo booqasho ku jooga Wadanka UK ayaa kulamo la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada London.
Senator ka ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan hormarka dhaqaalaha dowlad wanaaga iyo xoreynta khawaarijta oo meel gabogabo ah maraya, sidoo kale Senator Cabdixakiin ayaa jaaliyadda uga mahadceliyay sida milgaha sare ah ay ugu soo dhaweeyeen dalka Ingiriiska.