
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin oo soo xiray 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐠𝐞𝐞𝐝𝐢 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚(𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐆𝐖𝐐) 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟑, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya hirgelinta kulanka, isaga oo ka hadlay in dowladda ay u dhaqaaqday geedi socodka doorashada isla markaana ay madaxda ka muuqato ka go’naanshiyaha geedi socodkaas.
“Himmilada shacabka Soomaaliyeed waa in codkooda la maqlo, sidee lagu gaarsiiyaa arrinkaas waa doodda jirtay, waddadii in la hayo ayaa ii muuqata” ayuu ka mid ahaa kelmaddda Wasiir Xasan Macallim.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka mudane Xasan Macallim waxaa uu sheegay in golaha Wadatashiga qaran ay soo jeediyeen wax ka badalka dastuurka laakin ay taasi u taalo hey’adaha ay khuseyso iyo shacabka.