Israel oo qarxisay guri uu lahaa Saalax Al-Caroori iyo Faah faahino kasoo baxaya

507

Milliteriga Israel waxay maanta oo Talaado ah burburiyeen Guriga Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasada ee Xarakada Islaamiga ee Xamaas, Saalax Al-Caroori .

Warbaahinta Falastiin waxay sheegeen inay Milliteriga Israel xoog ku galeen Degmada Caroorat ee W/Galbeed ee magaalladda Ramallah, kadibna ay miino ku qarxiyeen Hoyga Saalax Al-Caroori.

Mas’uulka Saalax Al-Caroori waxa uu Arbacadii hore Caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut Kulan Saddex Geesood ah la yeeshay Hoggaamiyaha Ururka Xisbullaahi Lubnaan, Sheekh Xasan Nasrullaahi iyo Xoghayaha Guud ee Xarakada Islaamiga ee Jihad Islamic, Ziyaad Naqaslat (زياد نخالة).

Maamulka Israel waxay horey u sheegeen inay beegsan doonan Dagaalamayaasha iyo Madaxda Ururka Xamaas ee ka qeyb galay Hawlgalkii bishan October 7-dii lagu qaaday gudaha Israel.